Somali

Waxaan ubaahan nahay Cahdiga Dhaqdhaqaaqa  Shaqaalaha Aduunweynaha

Xuquuqda abaabulida iskaashatooyinka shaqaalaha iyo sidii loo qaadi lahaa dhaqdhaqaaq mideysan,  taas oy kamid yihiin shaqo joojin iyo isku duubnaan.

Xuquuqda ay shaqaaluhu u leeyihiin in ay si wadajir ah isu abaabuli karaan, iyagoon wax  dhibaato  ama handadaad  ah loo gaysanaynin Sharcigana lagu  handadayn.

Shaqo sugan

Caafimaadka iyo shaqo badbaado leh, Xaqsiin iyo daryeel.

Mushahar  ay ku noolaan karaan dhamaan shaqaaalah ka shaqeeya hay’adaha kala duwan.

Shaqo sharaf  leh, oo leh saacdo ku haboon shaqada in laqabto la doonayo, lehna mushahar la bixiyo fasaxyada goonida ah iyo kuwa caadiga ah.

in Xuquuq buuxda lasiiyo dumarka shaqeeya

Xuquuqda shaqaalaha  degaanka asalka u leh iyo Xuquuqda dhul lahaanshaha.

Sharci degenaansho iyo xuquuqda  shaqaaleynt oo buuxda  in la siiyo  dhamaan  shaqaalaha Qaxootiga iyo soo galootiga .

Joojinta shaqaaleynta caruurta aan qaan gaarin.

waxbarasho, degaan, caafimaad iyo helitaanka adeega daryeelka caruurta

Ilaalada bulshada iyo gunooyin  ku filan daryeelka.